Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan labo geesood ah magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen Hassen.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga wada hadlay kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, diblomaasiyadda iyo la dagaallanka argagixisada, iyaga oo is dhaafsaday aragtiyo ku aaddan horumarrada iyo isbeddellada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iskaashiga xooggan iyo deris wanaagga ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sare u qaadidda iskaashi uu saldhig u yahay ixtiraamka qarannimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

https://www.youtube.com/watch?v=1zi1gyXqbfM&t=117s

Related posts

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Deegaano horey looga qabsaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Khilaafka u dhaxeeya Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo waxa uu salka ku hayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo dhambaal tacsi ah u diray Boqortooyada iyo Shacabka UK

Caydiid Ali
Taboola Ads ---