Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday deegaan ku dhaw Baydhabo iyo Dagaal halkaas ka dhacay

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Daynuunay ee dhaca duleedka Baydhabo.

Sida aan wararka ku helnay dagaal culus oo daqiiqado badan socday ayaa dhax maray ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al Shabaab , waxaana dagaalka lasoo warinayaa in khasaaro labada dhinac uu kasoo gaaray.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab , isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhankooda sheegay in ay la wareegeen deegaanka Daaynuunay ay weerarka ku qaadeen, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in dagaalka khgasaaro ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda lana wareegeen hub.

Deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Baydhabo ayaa marar badan waxaa weeraray kooxad Al Shabaab, deegaankan ayaana muddooyinkii dambe la geeyay ciidamo badan si ay Al Shabaab isaga difaacaan weeraradooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -