Wariye Cabdiraxmaan Yabarow oo la guddoonsiiyey Abaalmarinta Halyeyga

Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay shakhsiyaad uu ka mid ahaa, madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxmaan Yabarow.

Yabarow, oo ah suxufi rug caddaa ah, ayaa abaalmarinta loogu magac-daray “Halyeyga” ku guddoomay xarunta ay munaasabadda ka dhacday oo ay xaadir ku ahaayeen boqollaal qof oo u badnaa Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

“Abaalmarintan waxay ka dhigan tahay oo ay qireysaa waxqabadkeygii inta aan kusoo jiray warbaahinta, iyo VOA-da oo ay dadka igu xasuustaan dhowr iyo tobanki sano ee u danbeeyay ee aan madaxda ka ahaa. Sidoo kale guushan waa mid u soo wada hoyatay dhammaan shaqaalaha VOA, kuwa jooga Washington iyo kuwa dunida daafaheeda ku baahsan,” ayuu yiri Cabdiraxman Yabarow.

Cabdiraxman Yabarow, oo warbaahinta kasoo billaabay Radio Muqdisho todobaatameeyadi, ayaa u guuray Mareykanka billowgii siddeetamaadki.

Marka laga yimaado tacliinta u ku qaatay Mareykanka, wuxuu door ka ciyaaray horumarinta saxaafadda Soomaaliya, isaga oo u soo shaqeeyay idaacadaha caalamiga ah ee kala ah BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga iyo Voice of America.

Wuxuu hormuud u ahaa saxafiyiintii lagu furay qeybta Soomaaliga ee VOA, oo uu marki danbana madax ka noqday sannadki 2009-ki.

Tan iyo xilligaasi, wuxuu VOA Somali gaarsiiyay in ay noqoto warbaahinta loogu dhageysiga badan yahay Soomaaliya iyo guud ahaan dhulka ay Soomaalida degto ee Bariga Africa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -