Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal oo gaaray Ceelwaaq (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yusuf oo saaka ka ambabaxay Kismaayo ayaa gaaray magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga Jubbaland Jen. Dhuumaal iyo saraakiil kale

Ceelwaaq ayaa maanta waxaa bilaabaneyso doorashada lix ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo kuwaasoo dhamaantood laga soo wareejiyey degmada Garbahaarey.

Maamulka Jubbaland ayaa shalay ciidamo fara badan geeyey degmada Ceelwaaq kuwaasoo loogu talo galay iney  sugaan amaanka doorashada halkaas ka dhaceysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay Doorashadii ka dhacday Puntland

Cabdi Cade

Daawo:- Wararkii ugu danbeeyay dagaalkii daynuunaay & Qoor Qoor oo soo saaray digniin ku aadan shirka Dhuusamareeb!!

admin

Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo maanta yeeshay gudoomiye KMG ah 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---