Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay sababaha keenay sare u kaca qiimaha Xajka

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shiikh Omar Ali Rooble iyo shirkadaha duulimaadyada ee sanadkaan ka shaqeynaya arrimaha Xajka ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay faahfaahin ka bixiyeen lacagta Xajka lagu aadayo sanadkaan oo bulshada qeyb ka mid ah ay sheegeen inay qaali tahay.

Bahda Wasaaradda oo wasiirku hoggaaminayo iyo shirkadaha ayaa isla qiray in lacagta sare u kac ku yimid ayagoo xaaladahaas ku sababeeyay marxalada maanta ay aduunyadu ku jirto ee ah qiima kororka shidaalka, COVID-19 iyo Xujayda oo la dajinayo Hoteelo qaali ah.

Qiimaha Xajka qofka Soomaaliya ka soo xajinayo sanadkan waa $5230, halka markii hore qiimaha ahaa $3800, waxaa sanadkan lagu kordhiyay $1430.

Dadka ka soo xajinaya Yurub iyo Amerika ayaa ka raqiisan kuwa Soomaaliya ka xajinaya, iyadoo ay u dheer tahay in aanay heli doonin adeeg wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shiikh Omar Ali Rooble ayaa dhanka kale cambaareeyay falkii Nabiga SCW loogu gafay oo uu ku kacay masuul ka tirsan Dowladda India.

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA&t=1s

Related posts

Reer Galbeedka oo shuruud ku xiray in Taliban loo fasaxo Balaayiin dollar oo xaniban

Caydiid Ali

Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyay iyo Mooto la sheegay in …

Cabdi Cade

Ciidamada Puntland oo la wareegay xarun weyn oo lagu kala wareejin jiray Khamriga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---