Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo xoojiyay Duqeymaha uu ku garaacayo magaalo dhawwaan lagala wareegay

Ciidamada Ruuska ee ku sugan qeybo kamid ah dalka Ukraine ayaa xoojiyay duqeymaha ay ku garaacayaan magaalada Kherson ee dhawwaan ka baxeen dibna ula wareegeen ciidamada milatariga Ukraine.

Magaalada ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku socday duqeymo culus , waxaana la sheegay in koronta inta badan ka maqan tahay, waxaana duqeymaha sidoo kale saameyn ku yeesheen dadka yar ee ku harsan  .

Duqeymo culus ayaa sidoo kale lagu garaacay warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine oo ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas’uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka ku socda warshada.

Ciidamada Ruushka ayaa dhawwaan isaga baxay magaalada Kherson ,waxaana maagalaadan dib ula wareegay ciidamada Ukraine, waxaana magaaladaasi booqasho ku tagay madaxweynaha Ukraine iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Max’uud Sayid Aadan kala hadlay Saraakiisha amniga gobolka Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Askarigii dilay oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Israel iyo Xisbullah oo isweydarsaday duqeymo sababay Khasaare nafeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---