Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo iibsaday koox ka tirsan horyaalka Premier League

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Horyaalka Premier League ee dalka Britain Saudi Carabia ayaa iibsatay kooxda Newcastle United oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalkaas

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu ku kacayo ku kacaya 305 milyan oo pound, waxaana qalinka lagu duugay maanta.

Milkiilaha rasmiga ah ee Newcastle ayaa hadda loo arkaa dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman maadaama uu yahay ninka ugu awoodda badan dowladda Sacuudiga, waxaana hoostaga sanduuqa PIF ee heshiiskan la saxiixday Premier League, Newcastle United Football Club iyo shirkadda St James Holdings Limited.

Taageerayaasha Newcastle ayaa  isugu soo baxay dabbaaldeg ka dhacay agagaarka garoonka St. James Park, iyaga oo ku faraxsan heshiiskan lagu iibsaday kooxda.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan noqono milkiilayaasha cusub ee Newcastle United, oo ah mid ka mid ah kooxaha ugu caansan England” ayuu yiri Madaxa PIF Yasir Al-Rumayan.

Heshiiskan oo hadda ka hor la isku dayey ayaa fashilmay sanadkii 2020 markii Premier League uu ku adkeystay in la kala saaro PIF iyo dowladda Sacuudiga, sidoo kalena Sacuudigu ay dalkeeda u ogolaato in laga daawado telefishinka beIN Sports ee laga leeyahay dalka Qatar.

Heshiiskan ayaa ka dhigan in Newcastle United ay hadda ka dib noqonayso kooxda dunida ugu taajirsan maadaama uu la wareegay Dhaxal-suge Mohammed bin Salman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -