Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax miino ka dhacay degmada Waabari gaar ahaan meel ku dhaw saldhiga booliiska, waxaana qaraxan la sheegay in uu ahaa mid ay fashiliyeen ciidanka amaanka.

Goobjoogaaal ayaa ku waramay in ciidamada amaanka lagu wargaliyay nin la sheegay in qarax miino bac ku watay, kaa oo doonayay in wadada dhinaceeda ku aaso, waxaana ciidanka oo goobta si deg deg ah usoo gaaray eryadeen ninka miinada watay.

Ninka miinada bacda ku watay ayaa la sheegay in markii dambe Waaxda Horseed gaar ahaan meel ku dhaw saldhiga booliiska Waabari ku tuuray miinadii uu watay sidaasna ku qaraxday.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay qaraxan miino ee ka dhacay xaafada Horseed ee degmada Waabari, waxaa sidoo kale wali la ogeyn in ciidamada amaanka qabteen ninka miinada watay oo la sheegay in ay eryadeen.

Degmada Waabari ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo badanayay falalka amaan daro, waxaana isbuucan gudihiisa lagu dilay sadex qof uu ku jiro sargaal katirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Waa iney Somalia cashar ka barataa dabinada ku wareegsan deyn qaadashada”

Caydiid Ali

Taliyeyaashii Xildhibaanada noqday Maxay u diideen dhaartii xubnaha labada aqal?

Caydiid Ali

Weriye caan ka ah wadanka Kenya oo shaaciyey inuu iibinayo mid ka mid ah labadiisa Kiliyood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---