Wasiir Oomaar oo ka hadlay warar sheegayey Masuul lagu xiray garoonka Aadan cadde

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde lagu xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi.

Wasiir Oomaar ayaa beeniyey in garoonka Aadan cadde lagu xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland, wuxuuna xusay inuu jiray oo kaliya muran dhexmaray ciidamada amaanka iyo masuulkan kaasoo ku saleysnaa baasaboor diblomaasi ah oo uu watay, haatana la xaliyey.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi ayaa isna sheegay inuu ku sugan yahay Garoonka Aaden cadde uuna xoryahay, waxaana uu been abuur ku tilmaayay wararka sheegay in la xiray.

“Ciidamada amniga ayaa markii aan ka soo degay garoonka dayuurada iga qaaday baasaboor diblomaasi ah oo aan watay, iyagoo ii sheegay inaan la imaado warqadii cadeyneysay qaabka la igu siiyey baasaboorka, muran dheer ka dib wasiiro ayaa na soo dhex galay, haatana waa la xaliyey arintaas” ayuu yiri Shaafi Raabi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -