Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Wasiirka Cadaalada dowlada Zambia oo booqasho ku jooga Somaliand (Sawirro)

Wafdi ka socda dalka Zambia ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ee Somaliland, kuwaasoo kulamo la qaatay madaxda Somaliland.

Wafdigan waxaa hoggaaminayay wasiirka cadaaladda dalka Zambia Gavin Lubinda  iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Hargeysa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in wafdigan ay casuumaad u fidiyeen, isla markaana ay qeyb ka tahay dadaalada ku aadan qadiyadda madaxbanaanida iyo sidii xiriir iyo iskaashi ay ula yeelan lahaayeen dalal dhowr ah.

Waxaana lagu wadaa in wafdigan ay kulan la yeeshaan madaxweynaha Somaliland ayna ka wadahadli doonaan arrimo siyaasadeed iyo kuwo iskaashi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka oo Xaalad halis ah ay soo wajahday

Cabdi Cade

Guddiga doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka kuraas lagu dooranayo Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo war ka soo saartay Sababta ay dileen Cabdiwali Colaad (Gaatamow)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---