Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu gubay jaad si qarsoodi ah la doonayay in lagu soo galiyo magaalada, waxaana jaadkan qabtay ciidamada amaanka ee jooga garoonka.
Jaadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qariyay diyaarado kasoo degay garoonka Aadan Cadde ,waxaana diyaaradahan la sheegay in ay ahaayeen kuwa ka faa’iideesanayay fasaxii KMG ahaa ee dowlada u sameesay diyaaradaha qaar.
Wasiirka Gadiidka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo Warbaahinta kula hadlay goobta jaadkan lagu gubayay ayaa sheegay in jaadkan la doonayay in si qarsoodi ah magaalada lagu galiyo.
Jaadkan maanta lagu gubay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaan dowladu sheegin halka laga keenay, waxaana talaabadan jaadka lagu gubay kusoo aadeysaa xili dowlada joojisay diyaaradihii jaadka keeni jiray Muqdisho.