Golaha ammaanka ee QM oo war cusub ka soo saaray joogitaanka ciidanka AMISOM

Golaha Ammaanka ee QM ayaa muddo kordhin u sameeyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya illaa dhamaadka Bisha May 2019.

Golaha amniga ayaa sheegay in ay muhiim tahay howlaha nabad ilaalinta ee midowga afrika xilligaan ka hayaan soomaaliya.

U qaabbilsanaha cuna qabataynta QM ee Soomaaliya iyo Eritrea, khayrat Cumraof, ayaa kulanka kaga war-bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegey Waddamo dhowra oo ku yaalla geeska Afrika.

Mr; khayrat Cumraof ayaa Golaha ugu war bixiyay booqashadii ugu danbaysay ee uu ku tagay Dalalaka Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inaysan u suura gelin inay tagaan Dalka Eritrea.

Mudane Cumarof ayaa aad u soo dhaweeyay dadaalada xoogga leh ee ay xukuumadda Soomaliya ugu jirto sugidda amniga iyo ka hagaajinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda, isagoo ku baaqay inaan si buuxda cuna qabataynta Hubka looga qaadin Soomaaliya inta ay wax iska beddelayaan arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Mudane Cumrafof ayaa soo dhaweeyay heshiiska nabadeed ee ay Dowladaha Itooboiya iyo Eritera ay ku gaaraeen Asmara 8-dii July ee Sanadkan, ayagoo soo gaba gabeeyay is fahan waagi ka dhexeeyay muddo 20 sano ah, soona celiyay xiriirka diblomaasiaydeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -