Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Jubbaland oo goordhaw la doortay

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ka dhacday doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland ay ku tartamayeen ilaa Sadex Musharax uu ku jiro Madaxweynihii maamulkaasi Sheekh Axmed Madoobe.

Doorashada waxaa codkooda dhiibtay ilaa ilaa 74-Xildhibaan , waxa ayna Xildhibaanadan kala dooranayeen sadex Musharax oo kala ah Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Musharax Maxamuud Maxamed Cumar iyo Canab Maxamed Daahir .

Waxaa ku guuleestay doorashada Musharax Axmed Maxamed Islaam oo helay 56-Cod halka Musharaxa kusoo xigay oo aheyd Canab Maxamed Daahir heshay 17-cod halka Musharaxa sadexaad uu helay hal cod oo kaliya,.

Doorashada ayaana waxaa si rasmi ah ugu guuleestay Musharax Axmed Madoobe oo horeyba loo saadaalinayay in uu ku guuleesanayo maadaama uu isagu maamulayay doorashadan maanta dhacday.

 

Related posts

Xog kale oo laga helay sababta Shariif Xassan loogu xanibay garoonka Aadan cabdulle

Caydiid Ali

Lacagta lagu iibsanayo Codadka Xildhibaanada Puntland oo caawa dhaaftay 50-Kun oo Dollar iyo Musharaxa ugu …

Cabdi Cade

Museveni oo Madaxweyne hore ku eedeeyey inuu gabaad siiyo kooxda Daacish

Caydiid Ali
Taboola Ads ---