Siciid Deni oo kulamo kala duwan ka wada magaalada Nairobi (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ku qaabilay Safiirka Dowladda Indonesia u jooga  Soomaaliya Dr. Mohamed Hery Saripudin.

Kulanka waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland, sida amniga, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo xoojinta wadashaqeynta.

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kulan kula  qaatay Agaasimaha Hay’adda UNICEF ee Gobolka geeska Africa Mudane Mohamed M. Malick Fall.

Kulanka ayaa looga hadlay Isbedelka cimilada , waxbarashada da’yarta, abaaraha iyo xoojinta gargaarka iyo Kor u qaadista tayada Caafimaadka, Iyadoo Madaxweynuhu uga mahadceliyay Hay’adda Unicef Mashaariicda ay ka wado Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah wakiiladda beesha caalamka ee jooga Nairobi, kuwaa uu kala hadli doono xaalada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -