Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay Wayrax Khaliif iyo Yuusuf Xuseen Cabdi (Daawo Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay labo Askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo, waxaana xukunka dilka ah ka dhacay fagaare kuyaalla KIsmaayo.

Ragga Qisaasta lagu fuliyay saaka ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Marxuumad Xaliimo Cali Roobow, Sidoo kale Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Marxuum Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli Taariikhdu markay ahayd 17-Nov-2021.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukunka dilka toogashada ah ku dhawaaqday 29-June-2022-ka, waxaana labadan askari saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee horey loogu xukumay.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobtii qisaasta ay ka dhacday ayaa sheegay in tiirka lasoo taagayo qof kasta oo dil sharci darro ah geesta.

Magaalada Kismaayo ayaa sidaan oo kale labo maalin kahor waxaa xukun dil ah lagula fuliyay labo askari oo iyana katirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland, kuwaa oo iyana horey dilla u geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -