Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Khasaaro dhaliyay oo saakay ka dhacay Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa saakay ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho, dagaalkan ayaana dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa dhax maray ciidamo milatari ah oo ilaalo ka hayay dhul la isku heestay oo jiingad lagu wareejiyay xalay saqdii Dhaxe iyo ciidamo kale oo booliis ah oo kasoo horjeeday in dhulkaasi la dhiso.

Labada ciidan oo ku hubeesnaa hub kala duwan ayaana waxaa dhax maray dagaal culus oo daqiiqado badan socday, waxaana dagaalka saameyn badan ku yeeshay ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii ka jiray isgooska Banaadir iyo agagaarkiisa.

Dagaalka ayaa markii dambe istaagay kadib markii goobta isaga tageen ciidamadii booliiska ee weerarka ku qaaday ciidankii milatariga ahaa ee ku sugnaa dhulka la isku heesto, waxaana wali taagan cabsi laga qabo in mar kale la dagaalamo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa wararka aan helnay sheegayaan in uu ka dhashay dagaalka, mana jiro ilaa hada wax war ah oo laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir kasoo saareen dagaalkan saakay ka dhacay Muqdisho.

Dhulkan la isku heesto oo horey ugu dhisnaayeen dukaamo ganacsi ayaa murankiisa soo taagnaa mudo bilooyin ah, waxaana dadka sheeganaya lahaanshaha dhulkan ku eedeeyeen saraakiil booliis ah in awood u adeegsanayaan.

 

- Advertisement -