Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo James Swam kala hadlay dhismista Ciidamada ATMIS ee dalka jooga

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa magaalada Muqdisho ku yeeashay kulan gaar ah.

Wasiirka iyo James Swam ayaa kulanka ay yeesheeb looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, dhimista ciidamada ATMIS iyo dib u habeynta ammaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howlgaladda ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada ayaa dhanka kale tilmaamay muhiimada xiligan ay leedahay xoojinta taageerada UNSOM.

Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga go’antahay in ay dalkooda ka xoreeyaan kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray shirka lagu wado in Xalane ka dhaco

Cabdi Cade

C/shakuur Abiib Hayir oo sheegay in laga been abuurtay isagoona cadeeyay Mowqifkiisa

Cabdi Cade

Digniin adag oo loo diray shirkadaha bixiya adeegga Maraakiibta iyo Hay’addaha dekadda ka howlgala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---