Raisul wasaare Khayre oo ka hadlay qorshaha ciidamada AMISOM kaga baxayaan Somalia

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha ka bixitaanka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku sugan meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, sidoo kale waxay ilaaliyaan xarumaha waaweyn ee dowladda.

Khayre oo ku sugan Garowe ayaa intaas ku daray in Xukuumada Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo diyaarin lahaa ciidamada qaranka ee AMISOM kala wareegi lahaa amniga guud ee dalka.

Waxa uu tilmaamay in ay diyaarinayaan qorshayaal dhameystiran oo AMISOM loogala wareegayo amniga dalka, sidoo kale waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaraha iney diyaariyeen goobaha ugu horeeya oo AMISOM ay ka baxayaan iyo ciidankii la wareegi lahaa.

“Qorshe la yiraahdo qorshaha kala guurka oo annaga iyo hay’adaha caalamka iyo AMISOM aan ku heshiinay ayaa jira, qorshahaasi waxaa laga ansixiyay Golaha Wasiirada, Dowlad goboleedyada, Midowga Yurub.” ayuu yiri Khayre.

Ciidanka AMISOM ayaa Soomaaliya ka baxaya marka la gaaro sanadka 2019, waxaana dowladda federaalka Soomaaliya ay hadda wada dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu diyaarinayo ciidamo Soomaali ah oo AMISOM kala wareega amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -