Allbanaadir.com
NEWS

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa saaka ka dhacay agagaarka xeradii hore ee Maslax oo ku taalla degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino wadada lagu aasay oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo halkaas marayey.

Gaariga ayaa la sheegay inuu haleelay qaraxa, isla markaana khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray ciidamadii la socday, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Rasaas xoog leh ayaa la maqlay qaraxa ka dib taasoo ay fureen ciidamada dowlada ee qaraxa lala eegtay qaarkood, waxaana halkaas markii dambe gaaray ciidamo kale oo xiray goobtaas howlgalana ka bilaabay, Xaalada goobta uu ka dhacay qaraxaas ayaa hadda degan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Puntland oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Khilaaf Xoogan oo ka dhax qarxay Hogaanka NISA & shirar qarsoodi ah oo dhax maray …

Cabdi Cade

Miisaaniyada Maamulka gobolka Banaadir ee sanadka 2021 oo la ansixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---