Xal laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweyne Waare iyo Sheekh Cusmaan (Sawirro)

Waxaa mudooyinkii dambe soo if baxayay khilaaf u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.

Khilaafka labada masuul ayaana saameyn badan ku yeeshay shaqadii yareyd ee maamulka fadhiidka ee Hirshabelle, waxaana inta badan labada masuul ay ka maqnaayeen magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa xalay guri uu ka degan yahay magaalada Muqdisho isugu geeyay Waare iyo Sheekh Cusmaan, waxa uuna ku guuleestay in uu xal horu dhac ah ka gaaro khilaafka u dhaxeeyay labada masuul.

Madaxweyne Waare iyo Guoomiyaha Baarlamaanka hirshabelle ayaa ugu dambeyn gacmaha is galiyay kulanka kadib, waxa ayna labada masuul balan qaadeen in ay wadajir uga shaqeyn doonaan danaha Hirshabelle.

Maamulka Hirshabelle oo ahaa maamul inta badan sadexdan masuul guryahooda ka dhax maamulaan jeebkana ugu jira ayaa hadana waxaa lasii degay khilaafka madaxda sare ee maamulka u dhaxeeya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -