Madaxweyne Farmaajo oo saaka ku sii jeeda gobolka Shabeelaha hoose

Madaxweynaha dowlada Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka ku wajahan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Ciidamo hordhac u ah safarka Madaxweynaha oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada ayaa gaaray degmadaas, waxaana dadka degaanku sheegayaan ciidankaas qaarkood wataan eeyaha loo adeegsado baaritaanada.

Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ayey ciidamadan iyo ciidamadii horey ugu sugnaa degmadaas ka wadaan howlgalo lagu sugayo amaanka oo wararku sheegayaan in lagu soo xiray rag la tuhunsan yahay oo ka tirsan Al-shabaab.

Lama oga illaa hadda ujeedada safarka madaxwene farmaajo saaka ku tagayo Afgooye balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu kulamo la qaadan qeybaha bulshada degmadaas.

Degmada afgooye ayaa mudooyinkan dambe waxaa xiliyada habeenkii weeraro ku soo qaadayey xoogag taabacsan al-shabaab oo fariisimo ku leh tuulooyin ku dhow degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -