Allbanaadir.com
NEWS

Ha’yadda Yaasmiin Foundation oo 14 jirsatay (Sawirro)

Xuska sanadguurada 14-aad ee aasaaska Ha’yadda Yaasmiin Foundation oo ka shaqeysa Arrimaha Samafalka ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadan ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin kala duwan, aqoonyahano qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed iyo qeybaha bulshada.

Aasaasaha iyo agaasimaha heyadda Yasmin Foundation, sidoo kale ahaa danjirihii hore ee Somalia u fadhiyey dalka Kenya Ambasaddor Maxamud Cali Nuur (Ameriko) oo ka ha hadlay furitaanka munaasabadaas ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey waxqabadka heyadda mudadii ay jirtay.

Waxaa uu sheegay in heyaddu ay gacanta ku heyso xarumo wax lagu baro arday isku jira dhegoolayaal, kuwa arraga la’, agoon iyo qaar ka soo jeeda qoysas danyar ah.

“Hay’adda Yaasmiin waxay waxbarasho bilaash ah siisaa arday badan oo naafo ah kuwaasoo ku kala nool qeybaha kala duwan ee dalka, sida Muqdisho, Warshiikh, Afgooye iyo meelo kale waxayna maamushaa heyadda ilaa 11 Dugsi oo ay dhigtaan boqolaal carruur ah.  Waxaa kale oo ay degaano miyi ah ka hirgelisay mashaariic ceel-qodis ah oo ay ka faa’ideystaan dadka iyo xoolaha” ayuu yiri Ambasador Ameriko.

Waxaa uu intaas ku daray ineysan jirin dowlado ama heyaddo gacan ka siiya howlahan samafalka ah balse uu ka bixiyo jeebkiisa waxa uu awoodo iyo lacago ay ku taageeraan ganacsato, Qurbajoog iyo dad kale oo muxsiniin ah, isagoo balan-qaaday inuu sii wadi doono howlaha samafalka ee uu ku taageerayo naafada iyo dadka danyarta ah.

Wasiiro, siyaasiyiin iyo waxgaradkii ka qeyb galay kulankaas ayaa heyadda Yasmin iyo aasaasaheeda Danjire Ameriko ku amaanay talaabada isxilqaanka leh ee uu u qaaday sidii uu u caawin lahaa caruurta naafada ah, agoonta iyo kuwa danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan qarashaadka waxbarashada, waxayna danjire Ameriko ku sifeeyeen shaqsi ku sifoobay, wadaniyad, naxariis iyo damqasho, iyagoo ku baaqay in la garab istaago.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA MUNAASABADA

 

Related posts

Nin soo dilay Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo lacag abaal-marin ah la siiyay

Cabdi Cade

Waa kuma Mohamad Mokhber ninka bedelaya Madaxweynihii geeriyooday ee Iran?

Caydiid Ali

James Swan oo ka hadlay sababta Somalia loogu doortay xubinimada Golaha Amaanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---