Uhuru Kenyatta oo ka horyimid Qorshe Ciidamada AMISOM sanadkan uga baxayaan Somalia

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa hor yimid qorshe la doonayo in sanadkan dhamaadkiisa Soomaaliya looga saaro Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta  ayaa sheegay in suurto gal ula muuqan in xiligan Soomaaliya laga saaro Ciidamada AMISOM, waxa uuna tilmaamay ciidanka Soomaaliya ee SNA aysan weli u diyaar u ahayn in ay la wareegaan amniga dalkooda.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ugu baaqo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay hubiyaan in waqtiga dhabta ah ee laga baxayo AMISOM ay tahay in lagu dabagalo dib-u-eegista joogtada ah” Ayuu yiri Uhuru oo khudbad ka jeediyay Shirka Midowga Afrika.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cadeeyay in habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya xaaladeeda lagu dejin karo lagulana dagaalami karo argagaxisad ay tahay hawlgalka AMISOM ..

Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo badan oo ka socda Dalalka Kenya, Uganda, Itoobiya, Burundi iyo Jabuuti, waxa ayna ciidankan ku howlgalayaan magaca Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaramada Midoobey ayaa horey u go’aamisey wakhtiga ciidamada AMISOM Soomaaliya ka baxayaan ay noqoto dabayaaqada sanadkan 2018, hasa ahaatee waxaa muuqaneysay in ciidamadan waqti dheerada ah loogu dari doono howlgalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -