C/QAADIR NUUNE “Waxaa muuqata rajo” [XUSKA 1-DA LUULIYO]

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay  xuska 63 guuradii ka soo wareegatay xornimadii gobolada Koofureed & Midowgii gobolada Waqooyi & Koofureed ayaa lagu qabtay Magaalada Zwolle ee dalka Nederlands.

Munaasabaddan, oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida Zwolle & nawaaxigeeda, waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, marti sharaf ka socotay maamulka degmada Zwolle (Gemeente raad), wefdi ay horkaceysay qunsulka safaarada Soomaalida ee Brussels, odayaal &. waxgarad ka socday qeybaha bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali [Nuune] oo dhinaca kale-na ah Guddoomiyaha Jaaliyada Zwolle & nawaaxigeeda oo munaasabadaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay  taariikhda Soomaaliya & halgankii dheeraa ee la soo galay xorrnimadda & madax-bannaanadda Soomaaliya, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in da’yarta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray la baro taariikhda dalkooda.

“Walaalayaal, waxaad la socotaan in  26-kii June 1960 ey aheyd maalintii ay xoroobeen dadkii Soomaaliyeed ee Gobolada Waqooyi oo xornimadii ka qaatay gumeystihii Ingiriiska,  iyada oo  afar cisho kaddibna ay xornimo ka qaateen Talyaaniga Gobollada Koofureed, kaddibna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii midoobay labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaas ka dhashay Jamhuuriyadii Soomaaliya”ayuu yiri C/qaadir Cali Nuune oo hormuud u ahaa dadkii munaasabadaasi soo qabanqaabiyay.

C/qaadir Nuune, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waddan kasta marka ay dhibaato ku dhacdo ay u soo kacaan dadkiisa wax bartay si ay u samata-bixiyaan, isaga oo Soomaalida ku booriyay in ay meel iska dhigaan qabyaaladda & nin tooxsiga, ayna fahmaan in sharaftooda & karaamadoodu ku jiro dowladnimo, midnimo & wadajir.

C/qaadir Nuune, wuxuu soo jeediyay in jiilashada dalkan ku dhashay ama ku koray in la baro taariikhda & qiyamka dalkooda, taas oo wax ka taraysa in marka la weydiiyo taariikhda dalka uu asal ahaan ka soo jeedo inuu jawaab ka bixin karo.

“Inkastoo Soomaali haddaan nahay Qaran-jab  innagu dhacay oo aan soo marnay dagaalo sokeeye, burbur, haddana waxaa ALLE mahadii ah in ay muuqato rajo & yididiilo, waxaana ugu baaqeynaa Dowladda Soomaaliya & guud ahaan “institution” Dowladda in sharciga & cadaaladdu noqdaan halka loo irkanayo, loona sinaado sharciga” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed waxa keliya ee deeqi karaa ay tahay cadaalad & sharci aan la kala xigin.

C/qaadir Cali Nuune, wuxuu ammaanay dalladda FSAN oo ah dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah, isla markaana Soomaalida ku metesha  fagaarayaasha caalamiga ah ee dalkan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dalladda guud ee Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN waxaan hambalyada xuska 1-da Luuliyo u dirayaa  guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan dalkan Nederlands, waxaanna leeyahay waxaan ILLAAHEEY ka baryeynaa in sannadkan sannadkiisa kale inaan ku gaarno nabad & dowladnimo taam ah” Ayuu yiri C/qaadir Cali [Nuune], isaga oo dhinaca kalena uga mahadceliyay Guddiga maamulka FSAN sida ay uga shaqeynayaan mar walba isku xirnaanta & wax wada-qabsiga Soomaalida dhexdeeda.

Qunsulka safaarada Soomaaliya Fahdia M. Cabdullaahi oo madasha ka hadashay ayaa dhinaceeda u mahadcelisay Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Nuune & guud ahaan dadkii soo qabanqaabiyay munaasabada, waxeyna sidoo kale qunsulka ugu hambalyeysay ummadda Soomaaliyeed munaasabadan Qaranka ah.

Barnaamij-ka waxaa si qurux badan u xiriirinayay Cabbaas Cali Nuur oo ka mid ah aasaasayaashii Jaaliyada Zwolle.

Madaxda guddiga maamulka degmada Zwolle [Wethouder] ayaa kala qeybgalay Soomaalida munaasabadda maalinta Qaranka, isaga oo guud ahaan dadka Soomaalida ah ugu hambalyeeyay 1-da Luuliyo.

Ugu dambeyntii, xafladda oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxay ka qeybgalayaashu isugu hambalyeynayeen munaasabadda xornimo-qaadashadii Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena ALLE ka baryayay in uu dhibaatada ka dul-qaado Dalka Soomaaliya.

- Advertisement -