Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye degmo oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyey (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed,  geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ismaacil Sheekh Abuukar  oo ahaa Guddoomiyihii Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Ismaciil uu kaalin muhiim ah ku lahaa hoggaanka bulashada Degmada Walaweyn gaar ahaan adkeynta dowladnimada, nabadda iyo dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan Magaalada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose

“Inalilaahi waina Ileyhi Raajicuun waxaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed ugu tacsiyaynayaa geerida ku timid alle haunaxaristee marxuum ismaciil shekh abuukar oo ahaa gudoomiyaha degmada Wanla-weyn, marxuumka ayaa door wanaagsan ku lahaa nabadaynta bulshada,ka shaqaynta hormarka degmada iyo ukhidmaynta shacabka uu masuulka uahaa.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baaritaano ku socda Madaxa kooxda Wagner ee halista galiyay Madaxweyne Putin

Cabdi Cade

Madaxweyne Waare oo xaalad adag ay ka soo wajahday Baarlamanka Hirshabelle

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Macron oo dalab lama filaan ah u gudbiyey Dhigisa Xi Jinping

Caydiid Ali
Taboola Ads ---