Madaxweyne Waare oo xaalad adag ay ka soo wajahday Baarlamanka Hirshabelle

Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa wada mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanadan oo tiradooda la sheegay in ay kor u dhaafeyso ilaa 40 xildhibaan ayaa u soo jeediyay madaxweynaha eedeymo kala duwan oo ay ka mid yihiin inuu ku fashilmay wax ka qabashada nabadgalyada.

Weli ma cadda in xidlhibaanada ay mooshinka u gudbiyeen guddoonka Baarlamaanka iyo in kale, balse wararku waxaa ay sheegayaan in xildhibaannadan diyaariyeen mooshinka ay doonayaan in la horgeeyo Baarlamaanka.

Ma’aha markii ugu horreysay oo mooshin noocan ah laga keeno madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, lamana oga waxa mooshinkan uu kaga duwan yahay kuwii hore

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -