Baaritaano ku socda Madaxa kooxda Wagner ee halista galiyay Madaxweyne Putin

Ilo ku dhow Xafiiska Dacwad-Oogaha Guud ee dalka Raashiya ayaa shaaciyey inuu weli furaan yahay Baaritaanka Kiiska loo haysto Asaasaha Kooxda PMC Wagner, Yevgeny Prigozhin oo ku eedeysan inuu abaabulay Kacdoon Hubeysan.

Wakaallada Wararka Raashiya ee TASS ayaa maanta xaqiijisay in Kiis-dembiyeedka la dhanka ah Yevgeny Prigozhin aan weli la soo gunaanadin, sida laga soo xigtay Ilo-wareedka.

Wargeyska Kommersant newspaper waxa uu isna maanta oo Isniin ah qoray inay Hay’adda Adeega Ammaanka Federalka Raashiya (The Russian Federal Security Service (FSB) ay sii wadaan Baaritaanka Kiiskaasi laga walaacaan yahay ee Abaabulka Kacdoon Hubeysan oo uu ku lug leeyahay Madaxa Kooxda PMC Wagner, Yevgeny Prigozhin.

Wargeyska waxa uu sii qoray inaan maanta oo ay Taariikhdu tahay June 26 aan weli la soo xirin Baaritaanka Kiiskaasi.

Sabtidii la soo dhaafay, Xafiiska Dacwad-Oogaha Guud ee dalka Raashiya waxa uu sheegay inay bishan June 23-dii ay Baarayaasha Hay’adda Adeega Ammaanka Federalka Raashiya (FSB) fureen Kiiska Dembiyada ka dhanka ah Yevgeny Prigozhin ee Qoddobka 279-aad ee Xeerka Ciqaabta Raashiya ee ku aadan Abaabulka Kacdoon Hubeysan, oo lagu muteysan karo Xabsi 12 sano ilaa 20 sano ah.

Qiraalka Kiiskan waxaa loo cuskaday Hadalkii Qoraalka ee uu Madaxa Kooxda PMC Wagner, Yevgeny Prigozhin soo dhigay Bartiisa Telegram, oo uu ugu baaqay Taageerayaashiisa inay u soo baxaan Gadood ka dhan ah Hoggaamiyayaasha Sarsare ee Milliteriga dalkaasi oo uu ku eedeeyey Duqeyn lagu dilay 2,000 oo Dagaalamayaal ka tirsan Kooxdiisa PMC Wagner.

Balse, Wasaaradda Difaaca ee Raashiya waxay beeniyeen Warbixinta ku aadan inay duqeeyeen Xerooyinka Kooxdaasi.

Si kastaba, Baaritaanka sii socda ee Kiiskaasi waxaa suurtogal ah inuu caqabad ku noqdo Dhexdhexaadintii Madaxweynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko ku xaliyey Xiisadahaasi.

Afhayeenka Aqalka Kremlinka ee looga taliyo dalka Raashiya, Dmitry Peskov waxa uu horey u sheegay in la laali doono Kiiska Madaxa Kooxda PMC Wagner, Yevgeny Prigozhin, isla markaana uu u dhoofi doono dalka Belarus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -