Mareykanka oo lacago cusub dul dhigay Madaxda sare ee kooxda Al-shabaab

Mareykanka ayaa kordhiyey abaal marin lacageed oo uu horey u dul dhigay saddex hogaamiye oo ka tirsan kooxda Al-shabaab

Abaal marinta lacageed ee raggan laa dul dhigay oo horey u aheyd min shan milyan oo Dollar ayaa haatan la gaarsiiyey $10 milyan oo dollar midkiiba, taasoo  la siinayo qofkii xog ka keena halka ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa ee Ururka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Twitter-ka oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa lagu sheegay raggani inay masu’ul kayihiin weeraro argagaxiso ah oo ka dhacay Soomaaliya Kenya iyo wadamada deriska kuwaasoo ay ku nafwaayeen kumannaan kun.

Hogaamiyeyaashan uu Mareykanku sheegay ayaa kala ah magacyadooda Mahad Karataay iyo Jehad Mustafa iyo Axmed Diiriye oo ah, hoggaanka ugu sarreeya Urururka Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Al-Qaacida.

“Saaxiibada Kenya iyo gobolka Mareykanka, waxa uu abaal marin lacageed siinayaa ciddii keenta xog horseedi karta in la aqoonsado oo la xannibo ilaha dakhliga ee Ururka Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Kenya.

“Tani waa xog aad u weyn oo ku saabsan ka faa’iideysiga Al-Shabaab ee kheyraadka dabiiciga ah, maxalliga ah iyo deeq bixiyaasha si la mid ah kuwa u fududeeya, Waxaan ognahay in Al-Shabaab lacago ku helaan falal badan oo sharci darro ku ah caalamka si ay u maalgaliyaan howlgalladooda sannad walbana ay dilaan boqollaal ruux ee shacabka ah”. ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

“Dadka xogta nala soo wadaago keliya ma heli doonaan abaal marin lacageed balse waxaan ka wadi doonnaa goobaha ay ku nool yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada.

Safaaradda ayaa sidoo kale soo bandhigtay xiriiro lambarro ah oo macluumaadka loogu diri karo kuwaas oo leh WhatsApp Telegram Signal lambarrada ayaa kala ah mid Kenya ah iyo mid Soomaali ah, +254-718712366 +252-684343308.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -