Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Booliiska oo lagu amray in ay si degdeg ah usoo xiraan masuul katirsan maamulka G/Banaadir

Qoraal kasoo baxay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu faray taliska qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir in ay soo xiraan guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada deegaanka Garasbaaley Guuleed Cabdi Xuseen.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir oo ku saxiixan warqadan lagu soo xiray Guuleed Cabdi ayaa sheegay in ninkan is hortaag shaqo iyo handadaad ku sameeyay maxkamadaha gobolka, tan racfaanka iyo maxkamadda sare.

Qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayuu ku faray taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir, in masuulkan katirsan deegaanka Garasbaaley kusoo xiraan 24-saac gudahood lana horkeeno maxkamadda gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

Cabdi Cade

Xilliga la qabanayo Doorashada kursi ay ku tartamaan Sanbaloolshe iyo xubno kale oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka iyo masuuliyiin kale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---