Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Al Shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay degaannada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo ciidaanka geesiyaasha kala wareegeen degaanno hor leh.

Ku-simaha Madaxweynaha oo boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta ku sugan jiida hore ee dagaalka ayaa ammaanay Ciidanka Qaranka oo har iyo habeen u soo jeeda sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka Khawaariijta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney sabab yaab leh u dishay ilmo ay korsaneysay oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Garsoorayaal Soomaali ah oo loo xushay dhexdhexaadinta Ciyaaro caalami ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---