Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Xilliga la qabanayo Doorashada kursi ay ku tartamaan Sanbaloolshe iyo xubno kale oo la shaaciyay

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa caawa shaaciyay habraaca doorashada iyo odayaasha dhaqanka ee soo xuluaya ergada dooraneysa kursiga tirsigiisu yahay HOP058 oo lagu dooranayo magaalada Baladweyne.

Kursigan waxaa horey ugu fadhiyay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo mar kalana u tartamaya, waxaa sidoo kale kursigan oo doorashadiisa adkaan doonto isna u tartamaya taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo horey kursigan ugu soo fadhiistay.

Guddiga dooarshada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa qoraalka ay soo saareen caawa saqdii dhaxe waxa ay ku shaaciyeen in doorashada kursiga HOP058 la qabanayo beri oo sabti ah .

Habraac ay saakay soo saareen guddiga doorashada Hirshabelle ayey ku shaaciyeen doorashada kursigan in ay qaban doonaan maalinta Axad, hasa ahaatee jadwalkan cusub ayaa imaanaya xilli aan la diiwaangelin musharaxiinta kursigan u tartameysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madax ka kala socota Somalia & Itoobiya oo ku wada sugan..

Caydiid Ali

AMISOM oo weji cusub la soo baxday & Masuul kale oo loo diiday inuu ka dhoofo garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Qorshaha Turkiga ee Afganistan oo is bedelay iyo Wadahadalo cusub oo bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---