Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo ka yaabsaday Muxammed bin Zayid

Ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku yiri dhaxal sugaha boqorka imaaraaka Muxammed bin Zayid “Ma jirto baahi ah inaad Islaamka na bartaan, maxaa yeelay waad dayacdeen…waxa keliya ee aan idinkaga baahanahay ayaa ah inaad luuqadda Carabiga si dhaqsa ah noo bartaan si aan u fahanno Islaamka saxda ah kadibna idinka aan idinku soo celinno dariiqa saxda ah ee Islaamka.

Hadalkan ayaa yimid kadib wada sheekeysi dhexmaray labad mas’uul, kaasoo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu usoo bandhigay dhaxal sugaha Imaaratka dhisidda Machad islaami ah, wuxuuna hadalkiisa kusoo khatimay “Maxaad naga caawin kartaan?”. Muxammed bin Zeyd ayaa ku jawaabay “Wax walba waa idnla garab taaganahay, waana idin bareynaa” kadib Abiy ayaa hadalki ka joojiyay oo ku yiri “ Idinkagama baahni inaad Diin na bartaan balse keliya waxan idinka rabnaa inad na bartaan luuqadda Carabiga”

Abiy oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ waxaan ku dhahay dhamaan Muslimiinta ku nool waddamada Khaliijka hadii la isku soo darro waxaa ka badan kuwa ku nool Itoobiya, markaasuu igu yirii maxaad tiro u sheegeysaa? Waxaana ugu jawaabay, maxaa yeelay Islaamka wuxuu aaminsanyahay Jamaacada ama wadajirka taaso ka dhigan Awood.

Hadalkan ayaa laga soo xigtay jariiradda ITOOBIYA-CARABI barteed Twitter-ka taasoo iyadana kasoo xigatay hadalkiisa xilli uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Ibiy Ahmed uu hadal u jeedinayay jaaliyadda Itoobiyaanka ee ku dhaqan magaalada Virginiya ee waddanka Mareykanka. Sido kale Abiy ayaa ugu bishaareeyay jaaliyadda mashruuciisa siyaasadda iyo aragtidiisa Itoobiyada cusub oo u taagan fidinta xoriyadda iyo dimuqraadiyadda sido kale yagleelidda nabadgalyo ku wada noolaashaha dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda iyo ilaalinta xuquuda dhamaan si siman.

Dhanka kale, Abiy Axmed ayaa ka sheekeeyay taariikhda Islaamka ee waddanka Itoobiya, wuxuu sheegay haweeneydii ugu horeysay ee Nabiga SCW nuujisa in magaceeda la oran jiray BARAKAH oo aheyd haweeney kasoo jeeda dhulka xabashida sido kale Mu’adinkii ugu horeeyay ee Islaamka oo ahaa “BILAL” oo kasoo jeeday xabashida, ku darsoo xabashida waxay ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee soo dhoweeyay Asxaabta Nabiga SCW xilli ay dhibaato iyo cadaab ay kala kulmeen dadka kuwi ugu dhowaa oo ku noolaa magaalada Makka diintooda daraadeed, Xabashida waxay diideen inay Laaluush qaataan si Asxaabta loogu celiyo dhanka iyo Qureysh. Taariikda Islaamka ee Itoobiya waa mid soo jireen ah oo qoto-dheer.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay waxaan idin leeyahay hadalkii uu Abuubakar Assiddiiq uu ku yiri Muslimiinta: Hadaan wanaajiyo i caawiya hadaan khaldase i joojiya.

Xigasho: Aljazeera

Waxaa idin tarjumay: Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -