Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Agaasime Koofi & Saraakiisha socdaalka Norwey? (Sawirro)

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Col. Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) oo ay wehlinayaan ku xigeenka Agaasimaha guud, Cabdullahi Xaaji Bashiir, la taliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatey hay’adda socdaalka Dalka Norway.

Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa oo ka qeyb galay kulamo Sanadle ah oo ay yeeshaan hay’adaha socdaalka ee Labada Dal, ayaa waxa uu la qaatay madax sare oo ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha dibedda Norway iyo sidoo kale saraakiisha Booliska Dalkaasi.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Socdaalka, waxanay intaa ka dib Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa booqdeen Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Oslo, waxayna u kuurgaleen hab-maamulka socdaalka Garoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo qorsheeneysa in ay xirto salaxyada lagu ciyaaro ee kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Jawaari oo War ka soo saaray dalabkii xeer ilaaliyaha Qaranka ee xasaanad ka qaadida labo Xildhibaan (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo shaaciyay in Ruushka go’aansaday in uu weeraro dalka Ukrine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---