Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka a Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow oo walalkiisa Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Abshirow Kooxo arxaan laawayaal ah ku dileen Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo guud ahaan Golaha Shacabka BJFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Gudddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow ay kooxo hubeysan saakay ku dileen Degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle uga baryay qoyska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed uu ka baxay inuu samir iyo Iimaan ka siiyo isagoo marxuumka Eebbe Weyne uga baryay in uu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa saakay degmada Dharkeenley ku dilay Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow oo kamid ah dhallinyarada kunool degmadaasi, mana jiro ilaa hadda cid loo soo qabtay falkaasi dilka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -