Madaxweyne Laftagareen oo abaabul dagaal u tagay degmo katirsan gobolka Bakool (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Socdaalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku qotoma ukuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada amniga,saamaynta abaarta iyo dhiiragelinta ciidanka iyo Dadka Deeganka ee ku sugan Ceelberde.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulamo la qaatay madaxda iyo saraakiisha ku sugan degmada Ceelberde ayaa kala hadlay bilaabida howlgalo Cadowga  Alshabaab lagaga Xureynayo Goobaha ay kaga dhuumaalaysanayaan deeganada Koonfur Galbeed.

Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa hadda ka bilowday abaabulka dagaalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana abaabulka xoogiisa ka socdaa degmooyinka Xudur iyo Ceelberde ee katirsan gobolka Bakool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -