Mid kamid ah Dowladaha Islaamka oo Diyaarado dagaal oo casri ah ka iibsatay Ruushka

Dalka Indonesia ayaa diyaarado dagaal oo casri ah ka iibsatay dowlada Ruushka, waxaana diyaaradahan oo gaaraya 11- Diyaaradood laga bixiyay lacag gaareysa  1.14 bilyan oo Dollar.

Diyaaradahan oo ah nooca dagaalka ee Sukhoi Su-35, ayaa Dowlada Indonesia ugu tala gashay in ay ku xoojiso ciidankeeda cirka, Diyaaradahan ayaana ah kuwa casri ah lagu sameeyay Ruushka.

Dowladaha Ruushka iyo Indonesia ayaa ka heshiiyay iibka diyaaradahan casriga ah, waxaana la qorsheeyay in dhoor mar dowlada Indonesia lagu kala wareejiyo diyaaradahaasi.

Dalka Indonesia ayaa ah dalka ay kunool yihiin Muslimiinta ugu badan ee caalamka, waxaana dalkan uu xoojinayaa ciidamada Milatariga gaar ahaan kuwa cirka oo mudooyinkii ugu dambeeyay loo iibinayay qalab casri ah.

 

- Advertisement -