Duuliyaasha shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa shaqo joojin ku dhawaaqay, waxa ayna shaqo joojintaan saameyn xooggan ku yeelatay duulimaadyadii ay sameyn jireen diyaaradaha Kenya Airways.
Qoraal ay soo saareen maamulka shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, ayaa ugu hanjabeen duuliyaasha shaqo joojinta ku dhawaaqay, waxa ay shirkadda cadeesay in ay qaadeyso tallaabooyin ka dhan ah duuliyaasha shaqo joojinta sameeyay.
Shirkadda ayaa ku adkeysaneysa in shaqo joojintan ay tahay mid sharci darro ah, arrintaas oo ay taageereen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo sheegay in falka ay ku kaceen 400 oo duuliye uu yahay mid saamaynaya dhaqaalaha dalka .
Diyaaradda Kenya Airways ayaa sheegtay in ay baajisay 56 duullimaad isbuucan, taas oo saamaysay ilaa 12,000 oo rakaab ah, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan saameynta duulimaadyada haddii ay sii socoto shaqo joojinta.
Shirkadda ayaa hadda ka digaysa in fursadaha wada xaajoodka uu xirmayo, duuliyayaasha ku lugta leh shaqo joojinta ayaa laga yaabaa inay waayaan shaqadooda ama lagu soo oogo dacwad sharci ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com