Madaxweyne Guudlaawe oo Shaaciyay in ciidamada huwanta ah kaabiya ku hayaan Deegaanka …

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab sanaya kuwa deegaanka beesha Abgaal ayaa guulo ka gaaray howlgalo ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaano dhoor ah oo Al Shabaab horey u heesteen.

Saraakiisha iyo xildhibaanada ciidamada hoggaaminaya ayaa sheegay in howlgalka sii soconayo ayna rejo ka qabaan in maalmaha soo socda Al Shabaab kala wareegaan degmooyin ay ku jiraan Aadan Yabaal.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo shalay tagay deegaanka Nuur Dugle oo dhawwaan Al Shabaab laga saaray ayaa sheegay in kooxdaasi jabeen ayna sii eryanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Waxa uu sheegay Masaxweyne Caloi Guudaale in ciidamada huwanta ah hadda  ay kaabiga ku hayaan deegaanka Guulane oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, ayna rejo ka qabaan in saacadaha soo socda halkaasi la wareegaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada Al Shabaab lagala wareegay iyo kuwa ay kusii socdaan in ay gacan siiyaan ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda soo afjarida Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -