Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Dooxa kula kulmay Sheikh Mohammed bin Abdulrahman

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.

Qatar ayaa kamid ah Dowladaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida joogtada ah uga taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Gorod oo soo saaray amar adag oo ku socda ciidamada Milateriga

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada maamulka Hirshabelle oo Ansixiyay lix degmo cusub (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo arrimo muhiim ah kala hadlay Karin Johansson

Cabdi Cade
Taboola Ads ---