Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii iyo Dagaalkii cuslaa ee saakay ka dhacay Qaayib

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah oo baabuur loo adeegsaday ku qaaday saldhigyo ciidanka Galmudug iyo kuwa deegaanka ku lahaayeen deegaanka Qaayib.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaal saacado badan socday uu ka dhacay deegaanka Qaayib iyo duleedkeeda, waxaana labada dhinac dhax maray dagaal toos ah oo faraha iskula tageen.

Xasan Jaamici oo kamid ah saraakiisha ciidanka ku sugan Qaayib hoggaamineya ayaa sheegay in ay saakay iska difaaceen weerar culus oo Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna xusay in weerarkaasi Al Shabaab ku jabiyeen.

Sargaalkan ayaana xusay in deegaanka ka dhacay dagaal aad xooggan, waxa uuna sheegay in aysan Al Shabaab u suurto gelin damacoodi ahaa in deegaanka la wareegaan ayna ku jabiyeen dagaalka

Waxa uu sheegay in deegaanka Qaayib hadda iyagu gacanta ku hayaan lana sii ceersanayo Shabaabkii deegaanka soo weeraray, waxa uu intaa ku daray in Al Shabaab magaalada uga carareen gaari iyo sidoo kale meydad rag laga dilay.

Ma jiro ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada sargaalkan, waxaana aad u adag isgaarsiinta deegaanka Qaayib ee saakay dagaalka culus ka dhacay, lamana oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Qaayib ee hoostaga Baxdo.

Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarkii ay saakay ku qaadeen deegaanka Qaayib, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ciidamo badan oo halkaasi ku sugnaa dagaalka ku dileen lana wareegeen hub .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -