Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Qaayib iyo Dagaal culus oo socda

Dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ku qaaday deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxyada kaddib dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimaha ay deegaanka Qaayib ka joogeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dagaal culus oo dhiig badan ku daatay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Qaayib, waxaana wararku sheegayaan in wali halkaasi uu dagaal culus oo labada dhinac u dhaxeeya uu ka socdo.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka ayaan wali si rasmi ah loo ogeyn, labada dhinac ee ku dagaalamaya deegaanka Qaayib ayaana mid kastaahi guulo ka sheegtay dagaalka.

Deegaanka Qaayib oo sannado badan Al Shabaab ka talinayeen waxaa dhawwaan dagaal kula wareegay ciidamada dowladda oo gacan ka helayay kuwa deegaanka ee kasoo jeeda beesha Saleebaan.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -