Madaxweyne Deni oo dekeda Boosaaso ka mamnuucay Shilinka Soomaaliga (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray wareegto dekeda magaalada Boosaaso looga mamnuucay in canshuurta lagu qaado shilinka Soomaaliga.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii sicir barar xoogan uu hareeyey qiimaha raashiinka iyo waxyaabaha kale, kaasoo ka dhashay qiimaha doolarka oo gaaray heerkii ugu soo sareeyey.

Wareegtada Deni laguma sheegin lacagta canshuurta lagu qaadayo bedelkii shilinka Soomaaliga, balse waxaa iska cad in lacagta doolarka Maraykanka lagu bixin doono canshuurta.

Hoos ka akhriso Wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadi karin lacagta shillin Soomaaliga.

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Bangiga Dowladda Puntland

Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.

Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.

Fulin wacan

Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland

- Advertisement -