Ganacsato iyo Odayaal kasoo jeeda KG oo Garawe xaflad ugu sameeyay Aadan Madoobe (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan qaar kamida wafdigiisa ayaa ka qeyb galay xaflad soo dhaweyn ah ay u sameeyeen odayaasha dhaqanka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka ku nool magaalada Garoowe ee ka soo jeeda deegaannadda Koonfur Galbeed.

Ganacsatada iyo Odayaasha dhaqanka ee ku nool deegaannada Puntland kana soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in si wadajir loogu wada shaqeeyo horumarka dalka gaar ahaan deeggaannada ay ku nool yihiin iyo kuwa ay ka soo jeedaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa boggaadiyay bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku nool Garoowe iyo guud ahaan Puntland ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarka deeganada Puntland iyo guud ahaan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -