Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar Gaadmo ah ku dishay askar katirsan ciidanka dowladda

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday askar katirsan ciidanka milatariga dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa beer kutaalla degmada Buurdhuube ee gobolka Gedo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar kedis ah ku qaadeen askartan katirsan milatariga Soomaaliya, waxa ayna halkaasi ku dileen qaar kamid ah ciidamada halka kuwa kalana ay dhaawacmeen.

Inta la xaqiijiyay saddex askari oo katirsanaa ciidanka weerarka gaadma ah lagu qaaday ayaa goobtaasi lagu dilay, waxaana weerarka kaddib halkaasi isaga tagay kooxdii hubeesneed ee weerarka ku qaaday.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa saakay tagay goobta weerarku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi kasoo qaadeyn meydadka askarta la dilay, waxa ay sidoo kale sameeyeen howlgalo ay ku raadinayeen kooxdii weerarka qaaday.

Al Shabaab ayaa weeraro kadis ah mararka qaar ku qaada ciidamada dowladda ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Gedo, waxaana weeraradan khasaaro kasoo gaaraan ciidanka dowladda ee weerarada lagu qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiga Cabdiraxmaan Raabi oo soo bandhigay Aragtidiisa Doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ninkii isku qarxiyey Masjidka Peshawar oo ay qabatay kaamerada qarsoon

Caydiid Ali

Latinos badan oo Islaamka ku dooranaya Quruxda, Deganaanta iyo Farxadda laga helo!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---