Heyadda Amnesty oo weli ku dhegan C/rashiid Janan & codsi loo diray dowlada Somalia

Hey’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in Cabdirashiid Janan ay kula xisaabtanto dembiyada dagaal ee horay loogu eedeeyeylana horkeeno Caddaalada

Amnesty oo soo saartay qoraal ayaa waxay sheegtay baahida loo qabo iney cadaalad helaan qoysaska dhibanayaasha Cabdirashiid Janan uu ku xad gudbay

“Maadaama uu Cabdirashiid Janan mar kale ku jiro gacanta dawladda federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiintu waa inay xaqiijiyaan caddaalad iyo la xisaabtan la xiriira dhammaan xad-gudubyada xuquuqul insaanka ee lagu tuhmayo inuu ka gaystay Gedo.” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda Amnesty soo saartay

Amnesty ayaa horey ugu eedeeysay Janan inuu xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ka geystay gobolka Gedo, iyadoo Amnesty markii uu Janan ka baxsaday gacanta DF dalbatay in la soo qabto.

Cabdirashiid Janan ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Belad-xaawo ka dib markii sida la sheegay uu heshiis la galay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa qaabilay kuwaasoo uu ka mid ahaa Wasiir dowlaha Wasaaradda gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala, Waxaana la socday ciidamo fara badan oo isaga ka amar qaata kuwaasoo dhawr jeer oo hore dagaalo la galay ciidamada dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -