Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad rakaab siday oo ku burburtay harada Victoria (Daawo sawirro)

Diyaarad rakaab siday  ayaa ku burburtay harada Victoria ee dalka Tanzaaniya, waxaana socda gurmad loo fidinayo laguna soo badbaadinayo rakaabka saarnaa diyaarada goordhaw burburtay.

Warbaahinta dalka Tanzaaniya ayaa ku warantay diyaaradda Precision Air ay ku dhacday harada Victoria, xilli ay diyaarada isku dayeesay in ay ku degto garoon diyaaradeed oo kuyaalla magaalada Bukoba ee dalka Tanzaaniya.

Diyaaradan ku dhacday harada Victoria ayaa saakay kasoo duushay magaalada Daaru Salaam ee caasimadda dalka Tanzaaniya, waxaana ilaa hadda la shaaciyay in lasoo badbaadiyay ku dhawaad 20-qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaarada saarnaa.

Madaxweynaha dalka Tanzaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa ugu baaqday kooxaha gurmadka degdega ah in si degdeg ah u howlgalaan, waxa ayna ugu baaqday shacabka Tanzaaniya in ay is dejiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo aqbalay inuu guddiga doorashooyinka ka saarayo Xubnaha Villa Somalia ay…

admin

Askar ka tirsan Milateriga Jabuuti oo laga sii daayey afduub loo heystay

Caydiid Ali

Sacuudiga iyo Dalal kale oo Carbeed oo la amray in lasoo gaabiyo khudbada Salaada Jimcaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---