Wasiirka amniga gudaha & taliyaha NISA oo ka qeyb galay kulan su’aalo lagu weydiiyey (Sawirro)

Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kullan looga hadlayay arrimaha amniga iyo xaaladda amniga hadda uu marayo waxay la yeesheen Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka “NISA” Xuseen Cusmaan Xuseen.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geesey),ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabihii looga wada hadlay kullanka ay la yeesheen Wasiirka Amniga gudaha iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya.

“Maanta oo ay taariikhda tahay 19/July/2018,Guddiga arrimaha gudaha iyo Amniga, wuxuu la kulmay Wasiirka Amniga Gudaha,Taliyaha NISA iyo xubno kale oo la socday,waxaana ka wada hadalnay arrimaha Amniga iyo xaaladda amniga hadda uu marayo wax badanoo xog ahna waan iska weydiinay inshallah waxyaabihii ka wada hadlnay intooda badan waa isla fahamnay, marka kullanka maanta waxay ahayd ujeedadiisa ugu weyn in amniga laga wada hadlo iyo arrimaha quseeyo,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey).

Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo xubnihii kale ee kulmay ayaa isku afgartay in la dardar geliyo sugida Amniga lagana hortago falalka guracan ay maleegayaan kooxaha nabad-diidka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -