Dowlada Somalia oo ka carootay Shirkii Deni iyo Beesha caalamka ee Nairobi ka dhacay

Dawladda Soomaaliya ayaa kacarootay wadahadal maanta dalka Kenya ku yeesheen Puntland iyo wakiilada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo ay Puntland madashan ka sheegtay in aysan la shaqeyneyn dawladda Federaalka.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo Puntland, ayaa sheegtay in aysan wadahadal layeelan doonin dawladda Federaalka, ayna doonayaan in kaalmada Soomaaliya magaceeda lagu bixiyo toos loo siiyo, haddii aysan Dawladda Federaalku kusoo laaban hanaanka qeybsiga deeqaha ee horey heshiiska loogu ahaa.

Madaxtooyada Soomaaliya ayay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan iney Safaaradaha dalalka deeqda bixiya qaarkood cabasho u gudbisay, taasoo ku wajahan kulankan ay kula yeesheen Puntland meel kabaxsan Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa la soo sheegayaa iney ka war wareegtay aqbalaada dalab uu u gudbiyey Deni oo ahaa in qoondada Puntland ka hesho deeqaha Somalia loogu talo toos loo siiyo maamulka oo aan loo soo marinin dowlada federaalka.

Madaxweyne Deni ayaa qaadacay dhowaan shirkii golaha wadatashiga qaranka ku yeesheen magaalada Baydhabo ka dib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Shiikh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -