Madaxweyne Saciid Deni oo amar cusub ka soo saaray Magaalada Garowe (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo manta si buuxda xilka ula wareegay ayaa joojiyay, in la dhisto dhammaan dhulka danta guud ee magaalada Garoowe.

Wareegto ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu amray taliyaha Booliiska Puntland iyo laamaha kale ee maamulka iney joojiyaan dhismayaasha sharci-darrada ah ee laga dhisayo dhulka maamulka ee ku yaalla caasimadda Puntland.

Madaxweynaha oo keliya ayaa awood u leh bixinta dhulka waxaana mas’uuliyiinta Warqaddan ay ku socoto la faray, inay fuliyaan amarkan.

Hoos ka akhriso wareegtada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -