Madaxda dowlada oo sameysanaya Xisbi ay kaga qeyb galaan doorashada 2020

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan ay sameysan doonto xisbi siyaasadeed, kaasoo Madaxda sare ee talada dalka haya ay ugu qeyb gali doonaan doorashadda lagu waddo in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020-ka.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay in dalka doorasho qof iyo cod ah la gaarsiiyo.

Guddiga doorashooyinka ayuu sheegay in hadda ay diiwaan geliyeen xisbiyo kala duwan oo ay leeyihiin rag Siyaasiyiin ah, isagoo xusay in Xisbiga ay sameysanayaan Madaxda hadda xilka haysa uu la mid yahay kuwaas.

“Waxaan soo wadnaa Xisbi weyn oo ah xisbiga xisbiyada oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaa lagu hoggaamin doonaa Siyaasaddii Guushii 8 February” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa intaa ku daray inay rajeynayaan in doorashada 2020 in la dooran doono Madaxweyne Farmaajo, iyadoo lagu dooran doono barnaamijkiisa siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -